
Hosted by Unknown Author · EN

Waxaa maanta magaalada Beledweyne la geeyay meydadka toddoba askari oo ka tirsan cidamada Dowladda Federalka Soomaaliya, kuwaas oo shalay malayshiyaad hubeysan ay ku dileen degmada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay dalka Eritrea toddobaadkan, halka wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi uu tegay Qaahira.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay; doorasho toos ah ama qof iyo cod ah ma ka dhici kartaa Soomaaliya?

Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Jimcaha maanta sheegay inay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa'iil, ka dib markii milatariga Israa'iil ay sheegeen in gantaal dhexda laga qabtay.

Muqdisho — Kooxda Al Shabaab ayaa Khamiistii shaacisay in la diley Maxamed Mire Jaamac, oo ka mid ahaa hogaamiyaasha sare ee kooxda. Maxamed Mire, ayaa madax u ahaa maamulada gobollada ee Al Shabaab. Sanadkii 2022-ki, ayay Waaxada Caddaallada Mareykanka ku dartey kiiska Argagxisada Calamiga ah. Hadaba, kumuu ahaa Maxamed Mire Jaamac, su’aashaas iyo kuwo kale ayay Falastin Axmed Iman weydiisay Cumar Maxamed Abu Ayan oo horay uga tirsanaa Al Shabaab, balse marki danbe ka baxay.

Sanca — Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa. Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom...

Liverpool — Ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha kubadda cagta, gaar ahaan kuwa horyaalka heerka koowaad ee England ee Premier League. Waxaa innoo haya Maxamuud Mascadde.

Berlin — Barnaamijka Amuuraha Islaamka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay weerarkii nin asal ahaan ka soo jeeda Sacuudiga uu ka fuliyey dalka Jarmalka, halkaasi oo ay shan qof ku dhinteen, iyo saameynta uu ku yeelan karo Muslimiinta dalkaas, gaar ahaan Soomaalida. Waxaa soo jeedinaya Wariyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub, Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Maputo — Iyada oo wararka qaldan ee baraha bulshada ku faafa ay sii kordhayaan, wariyeyaasha dalka Mozambique ayaa safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah macluumaadka marin habaabinta ah iyo kuwa sida qaldan loo faafiyo. Wariyaha VOA-da Amarilis Gule ayaa warbixintan ka soo dirtay Maputo. Xuseen Barre Aadan ayaa faahfaahinta inoo haya.

Dalka Ghana ayaa wajahaya mowjado warar been abuur ah iyo macluumaad khaldan oo dhaawici kara bulshada. Qaar ka mid ah saxafiyiinta Ghana ayaa ka shaqeynaya sidii ay u gudbin lahaayeen warar sax ah oo xaqiiq ku salaysan.